Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku sugan boqlaal shacab ah kuwaas oo u taagan soo dhaweynta wefdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.
Wefdi oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka soo amba baxay magaalada Garoowe ayaa la filayaa daqiiqado kadib uin ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugayaan madaxda maamulka Jubbaland.
Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka magaalada gaaf wareegaya ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland oo xaqiijinaya amniga