NGO-yo lala xiriirinayo Alshabaab oo laga mamnuucay Kenya

Hadal kasoo baxay Dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in saddex Ururro Bulsho aan Dowli ahayn oo lala xiriirinayo inay malageliyaan Alshabaab ayaa la sheegay in laga mamnuucay inay ka hawlgalaan Kenya.

Saddexdaasi Urur ayaa kala ah Ururka u dooda Xuquuqda Islaamka ee Muslim for Human Rights, Ururka Haki Afrika iyo Urur u qaabilsan Nabadda iyo Horumarinta.

Ururka Muslim for Human Rights ayaa lagu eedeeyey inay si sharci darro uga shaqeysanayeen 13 Xisaab-lacageedyo ka furan Bangiyo kala duwan.

Sidoo kale, Ururka Haki Afrika oo ay qaar ka mid xubnihiisa ka tirsan yihiin Muslim for Human Rights ayaa la sheegay in lagu helay inay xisaab-lacageedyo uga furan yihiin isla Bangiyaddaasi.

Ururka kale ee Nabadda iyo Horumarka ee APD ayaa lagu eedeeyey inay ka been sheegeen baaritaanka, isla markaana la ogaaday inay si xooggan uga hawlgalaan Gobalka Jubbadda Hoose  ee Somalia, gaar ahaan magaalladda Kismaayo iyo Afmadow.

APD waxaa kaloo lagu eedeeyey inay Alshabaab siiyeen dhaqaale, markii ay Ciiddanka Kenya kula dagaalameen gudaha dalka Somalia.

Magacyadda saddexdaai Urur ayaa waxay qeyb ka ahaayeen Ururro, Shirkaddo iyo Shaqasiyaad lagu soo bandhigay Faaf-reebka Rasmiga ee Kenya, waxaana lagu eedeeyey inay taageero dhaqaale siiyaan Xarakadda Alshabaab

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay sheegtay in saddexdaasi Urur lagala noqday Laysinkii Sharciga ee ay ku hawl-geli jireen.

© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor