Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa gordho galay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaas oo ay ka bilaabanayso soo dhaweynta madaxda kala duwan.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa wefdiga ugu horeeya ee uu soo dhaweynayo waxa uu noqonayaa kan uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo hawada ku sii jira.
Dhinaca kalana boqolaal shacab ah ayaa safan gudaha garoonka oo iyaguna loo diyaariyaya soo dhaweynta madaxda kala duwa ee ka weygelaysa caleema saarka madaxweyne Axmed Madoobe.