Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fuliyay mid ka mid ah Ciidamada dowlada Kenya kaas oo ay Gacanta ku hayeen mudo ka badan Sanad.
Askarigaan ayaa ka mid ahaa Ciidamadii Kenya ee lagu qabtay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo bartamihii Bishii Janauary Sanadkii la soo dhaafay ee 2016.
Muuqaal dhowr Daqiiqo soconaya oo ay soo dhigeen baraha internet-ka ayaa muujinaya Askariga Kenyanka ah oo fadhiya Goob keyn ama cidlo ah islamarkaana mid ka mid ah Askarta Al-Shabaab uu dhowr xabadood ku dhufanayo.
Sidoo kale Muuqaalka waxaa ku jira Askariga Kenyanka ah oo kahor inta aan la toogan ugu baaqaya Madaxda dowladda Kenya in Ciidamadooda ay kala baxaan dalka Soomaaliya.