(DHAGEEYSO):- Djibouti: Waa Wax Lagu Farxo Doorashada Soomaaliya oo Markii Labaad Lagu Qabto Muqdisho.

Dowlada Dalka Jabuuti ayaa marka hore Hampalyo udirtay madaxweynaha cusub ee la doortay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ku aadan guusha uu ka gaaray  Doorashada madaxeynaha ee ka dhacday maalin ka hor Muqdisho.

Danjiraha Djibouti ufadhiya magaalada Muqdisho Dr Aadan Xassan Aadan oo ka hadlay sida udhcday doorashadaasi ayaa sheegay inay qeyb ka tahay hanaankii demuquradiyadeed dib dhiska iyo nabdabeenta Soomaaliya oo aduunka dhan tusisay inay tahay wax lagu farxo doorashadaasi dowlada jabuutina ay soo dhaweyneyso in madaxweyne lagu doorto gudaha Soomaaliya xilkiina uu kala Wareego.

Halkaasn Hoose Ka Dhageeyso Codka Danjiraha Djibouti.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media