Wararka naga soo gaarayo Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Qarax xoogan uu ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabelle.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Bar Kontorool oo Ciidamada ku sugnaayeen oo ku taala Meel 4 Km ujirta Jowhar, Gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaanshooleey oo dhacda Waqooyiga Xarunta Sh.Dhexe.
Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa Xaqiiiyay in Qaraxa oo ahaa mid xoogan ay ku dhinteen 3 Qof, Laba kamid ah waa Ciidan ka tirsan Milatariga Qaraxa loo dhigay halka qofka kalena uu shacab yahay, Sidoo kale hal qof ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi Miino.
Dad ku sugnaa meel aan ka fogeyn halka Qaraxa uu ka dhacay ayaa soo sheegaya in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan, Dadka qaar ayaa umaleeyay inuu jiray dagaal xigay Qaraxa, Waxaana rasaasta si caadi ah looga maqlay qeybo badan oo kamid ah Jowhar.
Majirto wali cid sheegatay Masuuliyada Qaraxa, balse Shabaab ayaa looga bartay Qaraxyada wadada lagu aaso ee lala eegto Ciidamada Dowladda.