Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxay maanta Saxaafadda u soo bandhigtay shaqsiyaad xalay lagu soo qabtay Hawlgal laga fuliyey Degmadda Waaberi ee magaalladdan Muqdisho
Raggaasi oo tiradoodu dhan tahay 6 qof ayaa lagu soo qabtay ershad lagu farsameeyo Dollar macmal ah.
War qoraal oo ay soo saartay Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Hal Askari uu ku geeriyooday Askari kalana uu ku dhaawacmay intii uu socday howlgalkaan lagu soo qabanayay kooxahaan burcada ah ee ka shaqeeya sameynta lacagaha been abuurka ah.
NISA waxay kaloo sheegtay inay socdaan baaritaano lagu hayo Eedeysanayaasha la soo qabtay iyo kuwo kale oo lagu raad joogo.
©Radio Dalsan