Amaanka Degmadda Xamar Weyne oo Maanta Laga shiray (Sawirro)

Kulanka oo ujeedkiisa ahaa adkeenta amaanka degmadda xamarweyne oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta degmadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa uu ka dhacay isladegmadaasi.

kulanka waxaa soo qaban qaabiyay maamulka degmadda Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir,Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee degmada Xamarweyne Maxamed Axmed Iidoow iyo Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne Gaashaanle Sare Maxamed Maxamuud Maxamed Garaar ayaa dhamaantood ku dar daarmay in shacabka ay la shaqeeyaan laamaha amaanka Degmadda.

Maamulka degmadda Xamarweyne ayaa dar dar xoogan ugu jira sidii shacabka degmadaasi ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka Degmadda Xamarweyne.

x1 x2 x3 x4 x5 x6 x7 x8 x9

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor