Ardi Rizal oo u dhashay dalka Indonesia waxaa lagu xusuustaa sida uu u qabsaday Indhaha Caalamka, kadib, markii la soo bandhigay Sawiro muujnaya isagoo 2- jir ah oo maalintii dhuuqi jirey 40 xabbo oo sigaar ah.
Wiilkaasi oo haatan 9 jir ah waxa ka muuqata caafimaad wacan iyo inuu iska joojiyey Sigaarka, oo la sheegay inuu baray Aabihiisa.
Dowladda Indonesia iyo Hay’addaha daryeela Caruurta ayaa soo fara-geliyey Kiiskiisa, waxayna ku guuleysteen in Sigaarkii loogu bedelo cunto iyo sharaabka qasacadaysan iyo Khudaarta Cagaaran.
Markii uu joojiyey Sigaar waxa uu noqday mid cunto badan cuna, taasi oo keentay inuu aad u cayilo..
Haatan waxa uu dhigtaa Fasalka 4-aad ee Dugsiga Hoose, waxaana lagu guuleystay in miisaankiisa aad loo yareeyo, kadib, markii uu aad u cayilay.
©Radio Dalsan