Amare Stover waa 8 jir u dhashay Maraykanka madow, waxa uu ku dhashay xaallad cuddur o oay Dhakhaatiirta u yaqaanaan  (neurofibromatosis type one (NF1).Â
Dhakhaatiirta waxay ka digeen inuu qarka u saaran yahay inuu waayey Dhaayihiisa, iyadoo ay burooyinka si xawli ah u korayaan.
Hooyadiisa oo lagu magacaabo Kandice Stover oo 30-jir ah, kana soo jeeda magalladda Decatur ee Gobalka Alabama ee dalka Mraykanka ayaa sheegtay inuu wiilkeeda maalin kasta la kulmo dhaleeceyn ku aadan Hiddo-sidahaasi.
Waxay intaasi ku dartay inay burooyinka wada buuxiyeen madaxiisa, isla markaana ay jiraan kuwo aad u sii korayo.
Wiilkaasi lama ciyaari karo carruurta ay isku filka yihiin, iyagoo ku aflagaadeeya Xumow, halka dadka waa weyn ee aan Xushmadda aqoonin ugu yeeraan Wiilkaasi erayo xunxun, sida Wiilka Bahalka ahaa.
Dadka qaarkiisa waxay moodaan inuu soo xirtay Weji-gashi ama masgaro (A mask).
Si kastaba ha ahaatee,waxaa habboon inaan dadk iinta leh la caynin ama la takoorin, illayn Abuurista Ilaahay iin ma laha.
©Radio Dalsan