Sarkaalkaasi ayaa la sheegay in la waayey habeen hore, kadib, markii ay Dagaalamayal ka tirsan Alshabaab weerareen, isla markaana gubeen 2 gaari oo ay Boliska Kenya lahaayeen.
Gaadiidkaasi la gubay ayaa la sheegay inay gelbinayeen Bas Rakaab oo ku sii jeeday magaalladda  Mandera.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Boliska Kenya ayaa xaqiijiyey inay  13 Askari la socdeen gaadiidkaasi oo uu tilmaamay inay Alshabaab jidka u galeen, xilli ay gaadiidka Boliska marayeen Deegaanka Dabasiti oo ku dhow Xuduudka Kenya la wadaagto dalkeenna.
Sarkaalka waxa uu tilmaamay in la diray Ciiddan Gurmad, kuwaasi oo uu sheegay inay soo badbaadiyeen 11 Askari, balse la la; yahay Sarkaal kale oo sheegay inuu dhuumaalaysi ku jiro, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab ayaa horey u sheegtay inay 12 Aaksri oo Kenyan ah ku dileen weerar ka dhacay duleedka Mandera.