Shir looga hadlay amniga Magaalada Muqdisho oo la qabtay

Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ee Maamulka  iyo Maaliyadda, Howlaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa kormeer amni ku tagay qeybo ka mid ah degmooyinka Dayniile, Yaaqshiid iyo Deegaanka Daarusalaam.

Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska ayaa waxa ay shir la qaateen Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada 17 Degmo, iyadoona kulankaas uu socday saacado dhowr ah.

Shirka ayaa inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Caasimadda dalka, sidii loo dardar-gelin lahaa howlaha sugida amniga Magaalada Muqdisho  iyo la shaqeynta shacabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta la hdlay ayaa waxaa uu sheegay in shirarka looga hadlayo amniga Caasimadda ay sii socon doonaan iyo howlaha kormeerka ee lagu sameeynayo degmooyinka Gobolka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media