Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la kulmo xildhibaano ka tirsan Galmudug balse la sheegay in kulankaas uu dib-udhacay.
Xildhibaanada uu la kulmi lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaraya sida ay Dalsan xog ku heshay 33 Xildhibaan kuwaas oo ah kuwii xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf, halka qaarkood ay sheegeen in xildhibaano kale ay ka maqan yihiin ayna jiraan Kenya iyo meelo kale.
Sababta dib-ugu dhacay kulanka labada dhjinac ayaa la sheegay in uu la xiriiro codsi ka yimid dhanka Madaxtooyada Soomaaliya, waxana lagu balamay in Maalinta Berito ah uu kulankaas ka dhaco Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Maalin ka hor dalbaday in uu la kulmo Xildhibaanada Maamulka Galmudug sigaar ah kuwii xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf si xal looga gaaro khilaafka Galmudug waxaana ka sii horeeyay kulan uu la qaatay madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Baarlamaanka balse aan wax natiijo ah ka soo bixin.