Kooxo hubeysan ayaa Caawa qeybo ka mid ah Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan waxa ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarakaalka ayaa Dadka Xaafada Jaamacadaha ku nool ay sheegeen in lagu toogtay gurigiisa hortiisa kaas oo ku yaalla Beerta jaadka, waxa ayna Magaciisa ku soo koobeen Maxamed Dheere.
Kooxda ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa rasaasta kala dhacay qeybta kore ee jirkiisa taas oo sababtay in isla Goobta uu ku geeriyoodo.
Sidoo kale dadka deegaanka waxa ay sheegeen in kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka Goobta ka baxsadeen, isla markaana ay cabsi soo wajahday dadka Xaafada.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo Goobta ka qaaday Meydka Sarkaalka,intaas kadibna ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah wallow aysan dad u soo qaban dilkaas.