Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha oo Somalia Wakiilka cusub u soo Magacaabay

Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa  xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay Waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wada hadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka, taasoo qeyb ka qaadaneysa in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.

Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor