Shiinaha oo Caawinaad u fidinaya dalal ay ku jirto Soomaaliya

Ergeyga gaarka ah ee dalka Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, Xue Bing, ayaa sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay ka caawiso dalalka gobolka Geeska Afrika hawlaha nabadaynta iyo sidii meesha looga saari lahaa, waxa uu ugu yeedhay, faro-felinta lagu hayo dalalka gobolka.

Xue Bing ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday kulanka u dhexeeya dalka Shiinaha iyo wadamada gobolka Geeska Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ay ka qaybgaleen illaa lix dal, kaas oo ah kulankii ugu horreeyey ee ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha nabadda, maamulka dawliga ah iyo horumarinta.

Xue Bing ayaa sheegay in qalalaasaha iyo kala qayb-sanaanta gobolka ka taagani inay sii kordhayso, wuxuuna xusay inay haatan dib u soo cusboonaatay aragtidii dagaalka qabow iyo loollaankii quwadaha caalamka ee ku aaddan gobolkan, iyada oo ay arrintaasi caqabad ku noqotay in horumar laga gaadho nabadda iyo horumarinta gobolka.

Inkasta oo dalka Shiinuhu uu muddo dheer saaxiib ganacsi la ahaa wadamada Afrika, haddana tallaabadan uu haatan qaaday waa tii ugu horraysay ee u muuqata in dalka Shiinuhu uu danaynayo inuu farogelin ku sameeyo siyaasadaha ka socda wadamada Afrika, taas oo u muuqata in isbedel weyni ku yimi siyaasaddii arrimaha debedda ee Shiinaha.

Ergeyga Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika ayaa sannadkii hore wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha debedda ee dalkiisa ee ku aaddan arrimaha nabadda iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika inay diiradda saarayso xaqiiqada haatan jirta iyo waayo-aragnimadii hore, iyada oo ujeedaduna ay tahay in dalalka gobolka laga caawiyo sidii ay uga takhalusi lahaayeen farogelinta debedda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor