Puntland oo sheegtay in mar kale ay gacanta ku dhigeen Shabakad ka tirsan Al-Shabaab

Faah faahinno dheeraad ah aya laga helayaa howgalo Culus oo Ciidanka ammanka Maamul Goboleedka Puntland ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacasiga Maamulkaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka ammaanku ay gacanta ku dhigeen Shabaka ka tirsan dagaalamayasha Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabtay Howgalka ay sameeyeen Ciidanku, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ammanka.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in haatan Ciidanka ammaanku ay wadaan baaritaanno dheeraad ah oo ay ku badi goobayan xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay sheegeen in Gudaha Magaalada ay horay uga gaysteen falal ammaanka lid ku ah.

Sido kal waxaa maanta lagu wadaaa in Maxkamad lasoo taago xubno la sheegay in ay ka tirsnyihiin dagaalamayaasha AL-shabaab, kuwaasi oo hay’adaha ammaanku ay sheegeen in ay soo qabteen kaddib howlgallo culus oo ay sameeyeen.

Al-shabaab ayaa horay Degaanada maamulka Puntland waxaa ay uga fuliyen weeraro iyo dilal qorsheysan, waxaana sidoo kale socda howgallada ay sameynayaan Ciidanka ammaanka, iyadoo horay gacanta ugu soo dhigay Shabakado ka tirsan AL-Shabaab, oo sida ay sheegen Saraakiisha ammaanku ka howgali jiray Magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor