Hadal-qoraal oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF shalay soo saartay ayaa lagu sheegay inay 50% korodhay tirada carruurta Soomaaliyeed ee ay nafaqo-xumida haysato, tan iyo bilowgii sannadkan 2017-kii.
Warbixinta ayaa lagu muujiyey in ay 1.4 million oo carruur ah ku jiraan xaallad khatar ah, iyadoo 275,000 carruur soo wajihi karto nafaqo-darro baahsan, lana filayo inay carruurta in ka badan 9 jeer u geeriyoodaan Shuban-biyoodka, Jadeecadda ama Fuuq-baxa.
Haweeneyda Afhayeenka u ah UNICEF, Marixie Mercado waxay Shir Jaraa’id ka sheegtay in ay Hay’adda UNICEF ka furtay 837 Xaruumaha Nafaqo-siinta Carruurta  dalalka Bariga Afrika, halkaasi oo lagu caawiyo carruurta ay hayso Nafaqo-darrada.
UNICEF ayaa sheegtay inaysan haatan haynin tirada guud ee Carruurta Soomaalida u geeriyootay macluusha iyo cuddurada.
Si kastaba ha ahaatee, Macluushii ka dhacday Somalia sannadkii 2011-kii ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen 650,000 qof oo 130,000 ka mid ahaayeen carruur.
©Radio Dalsan