Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku taageerayo Go’aanka uu Cadaalada ugu raadinayo shacabka Soomaaliyeed.
Cabdi Xaashi oo Khudbad ka jeedinayay Munaasabada isku Cafinta siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku garab taagan yihiin Go’aanka uu qaatay ee Cadaalada ugu raadinayo shacabka dulman.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xusay in loo baahan yahay Midnimo, isku duubnaan, dadaal iyo wadajir, isla markaana dowladda ku dhaqanto shuruucda u degan dalka, ayna ka shaqeyso midnimada umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u sheegay inay si deg deg ah ugu keenayaan qaabka ay u dhaceyso doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka eee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa tilmaamay inay ka shaqeyn doonaa sidii cadaalad ugu dhici laheyd doorashada dadban ee la qabanayo, isla markaana ay ku tartami doonaan cid kasta oo diyaar u ah doorashada Somaliland.