RW Rooble “Waa in la ilaaliyaa hufnaanta iyo cadaaladda doorashada Aqalka sare ee Somaliland”

Waxaa goordhweyd si toos ah u billaabatay Hadaljedinta xubnaha AQalka sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Hadal jeedinta oo ka dhacaysa Afisyooni ayaa waxaa ka qayb galaya 25 Musharax oo ku tartami doona 11 ka kursi ee Somaliland, waxaana sidoo kale hoolka ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ugu horreeyo RW Rooble iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa ku sugan Afisyooni Guddiga doorashooyinka, iyadoo Ra’iisul wasaare Rooble uu furay Munaasabadda Hadal jeedinta ah.

Waxaana Rooble uu sheegay in loo baahan yahay in doorashada Xubnaha aqalka sare ee Somaliland ay noqoto mid  caddaalad ku dhisan, isagoo intaa ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u billaaban doonto dorashada Xildhibaanda Aqalka hoose.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor