Axmed Madoobe & Wasiirka Difaaca Kenya oo ka shiray bilaabida howlgalo ka dhan ah AS

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa booqasho ku gaaray Wasiirka Wasaaradda Difaaca dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu tagay Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgal ka dhanka ah Al-Shabaab, ee lagaga saarayo deegaanada Jubaland, sida lagu sheegay War laga soo saaray Madaxtooyada Maamulka Jubbaland.

Sidoo kale socdaalka Wasiir Aadan Barre Ducaale ee Kismaayo ayaa waxaa uu la xiriiray tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor