Khasaaro ka dhashay Dagaal ka socda deegaanka Xeraale

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan dagaal  xoogan oo weli ka socda deegaanka Xeeraale ee Gobolka Galgaduud,kaasi oo u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ay weerar ku qaadeen Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ku sugnaa xeeraale,isla markaana xalay saqdii dhexe uu ka qarxay deegaankaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagalkan ka scoda Xeeraale,waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocaydiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxa ay u sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen 8 ruux oo isugu jira labada dhinac,halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya haatan goobta uu dagaalka ka socdo ayaa sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan,isla markaana dagaalka uu kusii fiday deegaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media