• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

RW Rooble oo soo saaray go’aano Culus oo la xariira doorashooyinka dalka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 6, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashada heer Federaal ay dib ugu celiyeen laba kala mid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan lagu doortay magaalada Baydhaba.

Bayaan goor dhaweyd ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa ugu baaqay guddiyadda doorashada heer Federaal, maamul goboleed, xallinta khilaafaadka iyo madasha Watashiga Qaran in ay ‘waajib’ tahay hirgalinta doorasho hufan.

War-saxaafaadkaan ayaa u qoranaa sidan:-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxed Xuseen Rooble wuxuu uga mahadcelinayaa Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT Go’aanada ay qaateen ee la xiriira ilaalinta Hufnaanta Doorshada, wuxuuna ku boorinayaa Guddiga xalinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya isaga oo gudanaya mas’uuliyadda ka saaran in doorashooyinka ka socda dalku ay noqdaan kuwo daahfuran, lagu kalsoonaankaro kuna qabsooma waqtiga loo qorsheeyay, wuxuu la wadaagayaa Bulshada Soomnaaliyeed sida ay uga go’antahay ka jawaabista tabashooyinka la xiriira daahfurnaan la’aanta doorashada ee kasoo yeeray daneeyayaasha doorashooyinka oo ay ku jiraan Golaha Musharixiinta, Bulshada Rayadka ah iyo Beesha Calaamka.

Si loo saxo arrimaha laga cawday oo ay ka mid yihiin

A- Hogaaminta Doorashooyinka.

B- Madaxbanaanidda Guddiyada Doorashoyinka.

C- Ku dhaqanka Hab-raacyada Doorashada.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu cadaynayaa in mas’uuliyadda hogaaminta siyaasadeed ee Doorashooyinka ay leeyihiin Golaha wadatashiga Qaranka oo uu isagu Madax uyahay sidaas awgeed Goluhu wuxuu balanqaadayaa Madaxbanaanida Guddiyada Doorashooyinka oo mas’uul ka ah hirgalinta Heshiisyada Siyaasadeed ee hagaya Doorashooyinka.

Ra’iisulwasaauruhu sidoo kale wuxuu xaqiijinayaa in ay waajib ku tahay Xubnaha Golaha wadatashiga Qaranka, Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo daneeyayaasha Doorashooyinkuba in ay u hogaansamaan ku dhaqanka Heshiisyada iyo habraacyada hirgalinta Doorashooyinka isla markaana aan la aqbalidoonin ficilkasta oo baalmarsan ku dhaqankooda .

Hadaba si loo xaqiijiyo in doorashooyinku noqdaan kuwa hufan, laguna kalsoonaan karo, waxaa la xoojinayaa Doorka la socodka iyo u kuurgalista daahfurnaanta Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna magacaabaya Ra’iisul Wasaaruhu Wakiilo u qaabilsan arrimahan, kuwaas oo si joogto ah ula soconaya dhaqdhaqaaqa Doorashada Warbixinna ka siinaya Ra’iisulwasaaraha.

 

Si waafaqsan Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-09-2020, Heshiiskii 27-05-2021 iyo Habraacyadii Doorashooyinka ee 01-10-2020 iyo 24-08-2021, isla markaasna laga faaiidaysanayo khibradda laga helay khaladaadkii keenay cabashooyinka ka yimid qaar ka mid ah kuraasta Baarlamaanka ee la qabtay, Ra’iisulwasaaruhu wuxuu farayaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka in ay qaadaan talaabooyinka soo socda.

1- Ka hor inta aan la qaban kursi kasta ee Golaha Shacabka waa in la cadeeyo, la diiwaangaliyo, lana shaaciyo Magacyada Xubnaha Guddiga soo xulista Ergada ee ka kooban Duubabka\Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beelaha\Jufooyinka Kursiga iska leh.

2- Guddiga Doorashooyinka ee Heer Dawlad-goboleed ee SIEIT waa in ay la wadaagaan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilada la socodka Arrimaha Doorashooyinka ee XRW magacyada xubnaha Guddiga soo xulista ergada ka hor inta aan la diiwaangalin lana shaacin.

3- Soo xulista ergada waxaa si buuxda ugu madaxbanaan Duubabka\Caaqilada iyo Bulshada Rayadka ah ee Beesha\Jufada leh Kursiga lagumana faragalinkaro.

4- Ka hor inta aan la galin doorashada kursi kasta waa in la tababaraa Guddiyada xulista Doorashada iyo Ergooyinka doorashada si ay howlahooda ugu fuliyan si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada Doorashooyinka.

5- Waa in doorashada kursi kasta ay goobjoogayaal ka yihiin, Guddiga soo xulay ergada doorashada galaysa, Warbaahinta Madaxa banaan, iyo Goobjoogayaal Madaxbanaan si martqaati looga noqdo hufnaanta iyo daahfurnaanta Doorashada Kursi kasta.

6- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee heer Federaal, heer Dawlad-goboleed iyo Xalinta Khilaafaadku waa in ay si buuxda u hubiyaan in Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Baarlamaanka, Guddiyada Xulista Ergooyinka iyo ergooyinka la soo xulay ay buuxiyeen Shuruudaha loo dajiyay ee ku xusan heshiisyada iyo hab-raacyada lagu heshiiyay.

7- Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku adkaynayaa dhamaan Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Guddiga xalinta Khilaafaadku in ay si buuxda ugu dhaqmaan Heshiisyada iyo habraacyada hagaya Doorashooyinka, cidkasta oo isku dayda in ay baalmartana waa lagula xisaabtamayaa.

8- Si loo ilaaliyo wadashaqaynta Guddiyada Doorashooyinka, Ra’iisulwasaaruhu wuxuu ku wargalinayaa dhamaan Guddiyada Doorashooyinka herarkooda kala duwan in ay ilaaliyaan nidaamka iyo kala danbaynta kuna dhaqmaan heshiishyada iyo habraacyada doorashada ee dagsan.

9- Guddiyada Maamulka Doorashooyinka iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah waxaa lagu adkeynaayaa in ay ilaaliyaan qoondada haweenka ee doorashada golaha shacabka ee deegaan doorashooyinkooda.

Previous Post

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dil ka dhacay Gobolka Galgaduud

Next Post

Jabhadda TPLF oo laga qabsaday degaanno hor leh

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

June 23, 2025
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Next Post

Jabhadda TPLF oo laga qabsaday degaanno hor leh

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Arakchi, oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Moscow ee dalka Ruushka, ayaa shaaciyay...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay...

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”

by Ilhaan
June 23, 2025
0

Go’aankan ayaa si rasmi ah uga soo baxay Qaramada Midoobay, iyadoo lagu caddeeyay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed aysan wax lug...

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu kulan siyaasadeed...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
Warar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
Warar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
Warar

"Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta"

June 23, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Wadahadallo Muhiim ah la Leh Madaxweynaha Ruushka
  • Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Si Diirran Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda Algeria
  • “Soomaaliya Oo Laga Saaray Liiska Askareynta Carruurta”
  • Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00