Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqsaday ka qeyb galka Shirweynaha 31-aad ee Madaxda dalalka Afrika

Warar ay heshay Radio Dalsan ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ka qeyb geli doonin Shirka caadiga ee Hoggaamiyayaasha dalalka Afrika oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda dalka Mauritania ee Nawakshot.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegeen inuu Madaxweyne Farmaajo ka baaqday Shirweynahaasi sababo la xiriira Munaasabadda Is-raaca Goballadda Waqooyi iyo Koonfureed iyo Maalinta Xorriyadda Somalia ee 1-da Luulyo oo berrito loo dabaal degi doono.

Shir Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee berri ka furmayo caasimadda  dalka Mauratania ee Nawakshot waxa uu socon doonaa ilaa maalinta Isniinta ee soo socota oo ay taariikhdu tahay 2-da bisha Luulyo.

Shirka Madaxeedka Hoggaamiyayaasha Afrika ee berrito ka furmayo dalka Mauratania waxay kaga wada hadli doonaan Heshiiskii Nabadda ee ay Madaxweynaha dalak South Sudan, Silva Kiir iyo Hoggaamiyaha Mucaaradka, Riek Machar isbuucii hore ku kala saxiixdeen Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Madaxweynaha dalka Ruwanda, ahna Guddoomiyaha sannadkan ee Ururka Midowga Afrika, Paul Kigambe waxa uu shalay gaaray caasimadda dalka Mauratania ee Nawakshot, isagoo Kulan hordhac ah la qaatay Madaxweynaha dalkaasi, Maxamed Walad C/casiis.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah Madaxda dalalka Afrika ayaa la sheegay inaysan ka qeyb geli doonin Shirkaasi, iyadoo Madaxweynaha dalka Kenye, Uhuru Kenyatta la sheegay inuu ka baaqday Shirkaasi,.

Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Esipisu  ayaa sheegay inay Madaxweyne Uhuru Kenyatta u baaday sbaabo la xiriira  xaallado degdeg ah,  Wxaana Shirkaasi Kenya u matali doonta wafdi ay hoggaaminayso  Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Monica Juma.

Paul Kigambe waxa la rajeynayaa inuu shir-guddoomiyo Shirka caadiga ee 31-aad ee Madaxad Afrika u furmi doona.

Warar laga helayo Xoghaynta Shirkaasi ayaa waxay sheegayaan inuu Kulankaasi si rasmi ah u furmi doono berrito oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo, wuxuuna socon doonaa labo maalmood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor