Sawirro:-Gaadiid lagu gubay Gobolka Shabeellaha Hoose

Wararka aan ka heleyno deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi gelinkii dambe ee galabta lagu gubay Gaadiid xamuul ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaadiidka la gubay ay ahaayeen nooca xamuulka qaado ah,isla markaana siday dhuxul,kuwaasi oo ka yimid dhinaca degmada Wala-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in toogasho lagu dilay 3 qof,kuwaasi oo gaadiidka la gubay saarnaa,waxaana kamid ahaa Darawal waday mid kamid ah gaadiidkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegeen in falka lagu gubay gaadiidka siday  dhuxusha ay ka dambeeyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Laba habeen kahor ayey aheyd markii Al-shabaab ay Duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku gubeen Gaadiid nooca xamuulka qaado ah,kuwaasi oo la sheegay in ay sideen dhuxul farabadan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media