• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

RW Rooble oo shaaciyay in Farmaajo aan laga aqbaleynin inuu Doorashada ku takri falo

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 26, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu sheegay inuu aad xun yahay Qoraalka saakay kasoo baxay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee lagu sheegay inuu Rooble gudan waayay waajibaadkiisa shaqo ee aheyd hoggaaminta doorashada dalka.

War-saxaafadeed dheer oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Qoraalka lasoo saaray uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Rooble ayaa xusay in Qoraalka Farmaajo lagu soo beegay xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka, uuna yahay qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, in dalkaan ay ka dhacdo doorasho.

Sidoo kale Rooble ayaa la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Farmaajo intii uu Xafiiska  joogay  uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Ra’iisul Wasaaruhu ayaa la socodsiiyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Rooble

Musharrax gaar ah lagama aqbalayo in uu in doorashada ku takri falo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay qoraalka saaka aroortii kasoo baxay Xafiiska Madaxwaynaha.

Qoraalkaas waxa uu ahaa mid si ku talo-gal ah uu Madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka Doorashada  Dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah.

Sida ka muuqata waqtiga lagu soo beegay qoraalkan oo ah xilli loo balansanyahay Kulanka Golaha wadatashiga Qaranka oo la doonayo in lagu dardargaliyo howlaha Doorashooyinka, iyo ilaalinta hufnaanta doorashada, waa qorshe uu Madaxwaynuhu ku doonayo in uu uga hortago kulanka Golaha taas oo si cad u muujinaysa in aanu Madaxwaynuhu marna raali ka noqon, kana noqondoonin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho ay ku kalsoonaan karaan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxaan la wadaagaynaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba in Madaxwaynuhu  intii uu Xafiiska  joogay  uu waqti, maal iyo maskaxba ku bixinayay sidii uu kusii joogi lahaa xafiiska isaga oo isku dayaya in doorashadu noqoto oo kaliya mid ka jawaabaysa doonistiisa ama uu wadada u xaarto muddo kororsi sharci-darro ah.

Tan iyo intii uu Ra’iisul Wasaauruhu la wareegay hoggaaminta howlaha doorashada, Madaxwaynuhu waxa uu si joogto ah caqabad ugu ahaa hirgalinta doorashadii lagu heshiiyay, isaga oo isticmaalayay xeelado kala duwan kuwaas oo markii mid la xaliyaba uu buurayay mid kale ilaa uu saaka si cad oo sharciga baalmarsan u soo saaray baaqan mas’uuliyad-darrada ah.

Waxaa xusid mudan in doorashada uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaruhu ay tahay mid ay u siman yihiin dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Musharaxiinta u tartamaya hoggaanka dalka oo uu ku jiro Madaxwaynahu sidaas darteed lama aqbali karo in Musharax gaar ah  uu isku dayo in uu doorashada ka dhigo mid uu natiijadeeda ku leeyahay saamayn gaar ah.

Haddaba, waxaan Shacabka Soomaaliyeed u caddayneynaa  in mas’uuliyadda doorashadu ay saaran tahay Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga  Qaranka, sidaas awgeed shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho sidii uu ku tala galku ahaa.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu wadaa Kulammo aragti wadaag ah oo uu la leeyahay, Bulshada Rayidka ah, Golaha Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka si looga dhagaysto talooyinkooda la xiriira hufnaanta doorashada iyo dhammaystirka Golaha Shacabka oo waqtiyaysan kuwaas oo lagu dhamaystiri doono kulanka Golaha Wadashiga Qaranka ee qorshaysan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la socodsiinayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka in la joogo xilligii si wadajir ah looga hor-imaan lahaa shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya si looga baaqsado in uu dalku galo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Ugu danbayn, Ra’iisulewasaaruhu isaga oo gudanaya waajibaadka qaran ee uu siiyay Dastuurka KMG ah ,raacayana Heshiisyada Siyaasadeed ee awoodda u siiyay hogaaminta Doorashada iyo Amniga, wuxuu u balanqaadayaa Shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaashasnaya Golaha wadatashiga Qaranka in uu xoggiisa isugu gaynayo dhamaystirtka Doorashada iyada oo la ilaalinayo hufnaanteeda maadaama xalka kaliya ee u furan Qarankaan ay tahay Doorasho horseeda in awoodda loogu kala wareego si sharci ah oo nabdoon.

DHAMMAAD

Previous Post

Kulan looga hadlaayay Amniga Doorashada oo Maanta ka qabsoomay Kismaayo

Next Post

Maxay ka tiri QM Terminalkii ay xirtay Dowladda Somalia ee Garoonka Muqdisho?

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party
English News

Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party

May 15, 2025
Next Post

Maxay ka tiri QM Terminalkii ay xirtay Dowladda Somalia ee Garoonka Muqdisho?

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00