Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin horay u dilay Sheekh Caan ka ahaa deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
Ninkaas oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan Cali Booroow ayaa Maxkamada horay waxa ay ku riday xukun dil toogasho ah,kaas oo lagu eedeeyay in 15/6/2017 uu Magalada Baydabo Masaajid dhexdiisa ku dilay Sheekh Caan ahaa oo lagu Magacaabi jiray Sheekh Madeer Madgaab Caliyow.
Fagaaro ku yaalla Magalada Baydhabo ayaa saakay Ninkaasi lagu toogtay kaas oo Maxkamadu sheegtay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,waxaana Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalaba sida Xasan Cali nuur Shuute.
Goordhow la socda Codka iyo Sawirada Xukunta dilka ah oo ay Maxkamada Ciidamada saakay fulisay.