Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fderaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.
Kulanka ayaa imaaanaya iyadoo ilaa iyo hadda aan xal laga gaarin arrinta Farmaajo iyo Rooble, kuwaasi oo xafiisyadooda kasoo kala saaray Warqado iska soo hor jeeda, kadib markii uu Rooble xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Fahad yaasiin, waxaana il gaar ah lagu hayaa sida Taliyaha Cusubi uu howlihiisa u gudan doono, maaddaama Madaxweyne Farmaajo uu faray Fahad Yaasiin inuu shaqadiisa sii wato.