Akhriso:-Magacyada Xildhibaanada cusub ee Maanta shahaadada si rasmi ah u qaatay

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo sabti ah si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo la siinayo Xildhibaanada cusub ee lasoo doortay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Muuse Geelle Yuusuf ayaa Xilhibaankii ugu horreeyay siiyay shahaadada Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, kaasi oo noqday Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#108.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa shalay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka ku wargeliyay in Maanta ay si rasmi ah u bilaabaneyso shahaado siinta Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka.

21 Xildhibaan ayaa Maanta la siiyay shahaadada Xildhibaano, waxaana Xildhibaanada ay kala yihiin:

1-Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo kusoo baxay kursiga HoP#071

2-Mahad Maxamed Salaad oo kusoo baxay kursiga HoP#147

3- Cumar Shariif Maxamed oo kusoo baxay kursiga HoP#266

4- Maxamuud Cabduqaadir Xaaji- Jeego oo kusoo baxay kursiga HoP#084

5- Cabdikariin Abdow Xeydar oo kusoo baxay kursiga HoP#252

6- Cali Maxamed Cumar oo kusoo baxay kursiga HoP#115

7- Xuseen Qaasim Iidow oo kusoo baxay kursiga HoP#043

8- Cumar Cali Cabdi oo kusoo baxay kursiga HoP#035

9- Jawaahir Maxamed Axmed oo kusoo baxay kursiga HoP#001

10- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo kusoo baxay kursiga HoP#095

11- Zamzam Maxamed Cumar oo kusoo baxday kursiga HoP#243

12-Maxamed Ibrahim Cabdi oo kusoo baxay kursiga HoP#206

13- Suleymaan Cali Xuseen oo kusoo baxay kursiga HoP#260

14- Maxamuud Cali Xagaa oo kusoo baxay kursiga HoP#268

15- Axmed Cabdi Kooshin oo kusoo baxay kursiga HoP#205

16- Muuse Saciid Jama oo kusoo baxay kursiga HoP#263

17- Cali Maxamuud Aadan oo kusoo baxay kursiga HoP#240

18- Daahir Amiin Jeesow oo kusoo baxay kursiga HoP#030

19-Dahabo Susow Maxamuud oo kusoo baxday kursiga HoP#088

20- Maryam Aweys Jaamac oo kusoo baxday kursiga HoP#113

21- Cadar Cali Maxamed oo kusoo baxday kursiga HoP#081

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor