Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay xoreynta deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo in muddo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
“Waxaan bogaadinayaa guusha ciidamadeenna geesiyaasha ah ka soo hooyeen howl-galka Al-shabaab looga saaray Janaale. Waad ku mahadsantihiin gudashada waajibaadka idinka saaran ilaalinta dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Sidoo waxaa uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali yiri “Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka, waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda, waxayna soo celisay haybadda qarankeena, taas oo suurtagelisay in cadowga laga sifeeyo dhul ay sanado badan ku sugnaayeen, taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo”.
“Si loo hubiyo soo celinta nolosha deegaannada la xoreynayo, howlgalkani waxuu isugu jiraa; Ciidanka Xoogga oo wiiqaya argagixisada, Booliska oo xoreynta kadib la wareegaya amniga, dhismaha maamullada deegaannada iyo hay’adaha kale ee dowladda oo adeegyada aasaasiga ah gaarsiinaya”, ayuu sheegay sidoo kale yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Howlgalka Badbaado 1 iyo Badbaado 2 ayaa qeyb weyn ka qaatay sugidda amniga caasimadda waxaana ciidamda dowladdu la wareegeen dhammaan buundooyinka gobolka shabeellaha Hoose ay Al-shabaab kaga suganaayeen