Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Somaalilnd ee Laascaanood.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Goordhow Taliyaha ay ku dileen afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Laascaanood, isagoo u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.
Cabdiqani Guhaad ayaa lagu magacaabi jiray Taliyihii Ciidamada Sirdoonka Somaalilnd ee Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay dilkiisa.
Wararka ayaa intaasi daraya in Taliye Guhaad uu gacanta ku hayay baarista ciddii ku lug lahayd Qaraxii lagu dilay Gudddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Somaliland ayaa caawa howlgal kala duwan ka wada xaafado ka tirsan Magaaladaas, waxaana howlgalka la sheegay in lagu raadinayo ragii dilkaas geystay.
Dhawaan ayay aheyd markii qarax loogu xiray gaarigiisa uu Laascaanood ugu geeriyooday Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool Allaha u naxariistee Xasan Sheekh Maxamuud.