Waxaa weli rasaas xoogan laga maqlayaa gudaha Hotelka Cas-caseey oo ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland halkaaso oo shalay gelinkii dambe uu ka bilowday weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ahaa.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka amniga maamulkaas ay wadaan howlgal lagu soo Af-jarayo weerarka ka socda Hotelka Cas-caseey oo ay ka dhex dagaalamayaan rag ka tirsan Al-shabaab.
Weerarka ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawacay,waxaana dadka geeriyooday kamid ahaa Wariye Hodan Naaleeye, Seygeeda oo isna ahaa Nin Ganacsade ah iyo Maxamed Cumar Sahal Gacmo Dheere oo u shaqeyn jiray TV-ga SBC iyo Radio Ergo.
Sidoo kale Ciidanka amniga Jubbaland ayaa hotelka ka soo badbaadiyay dad badan oo ay kamid ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo ku sugnaa Kismaayo,Odayaal dhaqmeed iyo iyo Qurbojoog.
Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyooday weerarka,halka tirro intaas badan ay ku dhaawacmeen,kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo.