Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hada booqday Isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo halkaas oo la geeyay dadkii ku dhaawacmay weerarka Al-shabaab ay ku qaaday Hotelka Madiina ee Magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha ayaa booqday qaybta gargaarka deg dega ah oo shaqo adag ay ka hayaan Dhakhaatiirta kala duwan waxaa uu Madaxweynahu tacsi u diray dhamaan ehelada iyo qaraabada dadkii ku dhintay Qaraxa maanta isagoo caafimaad taam ah u rajeeyay dadka dhaawacyadu soo gaadheen waxaa kale oo Madaxweynahu uu balan qaaday in Caafimaad dibada ah loo qaadayo dadka aan xaaladooda dalka gudahiisa waxba lagaga qaban karin.
Ciidamada amaanka ayuu Madaxweynahu ku amaanay sida ay uga jawaabeen weerarka waxaana uu xusay in ay soo badbaadiyeen dad farabadan kuwaas oo hotelka daganaa.