Ra’isul-wasaaraha Xukuumadd Federalka, Cumar C/rashiid ayaa xaqiiqsaday Guushiisa Koowaad ee Ololihiisa Mushraxnimadd ee Doorashadda soo socota.
Musharax Cumar waxa uu saakayto si fudud ugu guuleystay Kursigii Koowaad ee Xubnaha Puntland uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka soo socda, kadib, markii uu ka guuleystay Gabadhii kula tartamaysay Kursigaasi.
Cod-bixinta oo saakayto ka dhacday Dhismaha Barlamaanka Puntland ee magaalladda Garowe, Waxa uu Kursiga Beesha uu ka soo jeedo ee Aqalka Sare ku kasbay natiijo dhan 47 dhibcood, halka gabadhii la tartamaysay oo lagu magacaabo Aamina Aadan C/llaahi heshay 2 dhibcood oo keliya.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha ayaa ah Musharax u taagan Xilka Madaxweynaha Dowladda Federalka, waana markii Labaad ee uu xilkaasi isku soo taago.
Musharixiin miisaan ku leh Siyaasadda ayaana u taagan jagadaasi, kuwaasi oo haatan ku hawlan Ololahooda Doorashadda iyo Kharajkii ay u adeegsan lahaayeen Doorashadda oo inta badan Musharixiinta diyaarsadeen Miisaaniyad Khaas ah oo ay u adeegsadaan Cod-bixinta Doorashadaasi.
©Radio Dalsan