Guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somalia (Somali Independent Media Houses Association (SIMHA) , Xasan Cali Geesey ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka in la sii daayo Weriye Xamsa Maxamed oo ka tirsan Telefishinka Aljazeera, kaasi oo ay Ciiddanka Hay’adda NISA soo qabteen Talaadadii la soo dhaafay.
Guddoomiyaha SIMHA iyo Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu oo shalay booqday Weriye Xamsa Maxamed oo ku xiran Xabsiga Hay’adda NISA ee magaalladda Muqdisho, waxay sheegeen inay xaalladda caafimaadka ee Weriye Xamsa Maxamed hagaagsan tahay , isla markaana ku hawlan yihiin sidii loo sii dayn lahaa isaga iyo Suxufiyiinta kale ee la xiran.
Xamsa Maxamed ayaa ah Wakiil-wareedk Aljzeera u jog Somalia, wuxuuna inta badan si weyn uga faalloodaa Dhacdooyinka Somalia, gaar ahaan Iska horimaadyadda dhex mara Ciiddanka Dowladda Federalka iyo Xarakadda Alshabaab.
Dhinaca kale, Shaqaalaha Warbaahinta ee ku nool gudaha iyo dibedda waxay Baraha Isku-xirka Bulshadda isku weydaarsanayaan Hal-ku-dheg Hashtag ee #FreeHamsa.
©Radio Dalsan