Waxaa goor dhow dib xorriyadooda u helay Weriye Xamsa Maxamed iyo 2 Sawir-qaade oo ka tirsan Telefishinka Aljazeera.
Weriyayaashaasi waxay muddo 3 maalmood ku xirnaayeen Xabsi ay Hay’adda NISA ku leedahay magaalladda Muqdisho, waxaana sii-daysmadooda ka qeyb galay Mas’uuliyiin Warbaahineed iyo Hay’addo Caalami ah.
Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee SIMHA, Xasan Cali Geesey iyo Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Macallimu ayaa ka mid ahaa Madaxda Warbaahinta ee dadaalka xooggan u galay sidii loo sii dayn lahaa Weriye Xamsa Maxamed iyo xubnihii kale ee lala xiray.
Al Jazeera journalist Hamza Mohamed released from detention.http://aje.io/5gk6
©Radio Dalsan