Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Maanta sameeyay xilka qaadis iyo Magacaabis intaba.
Wareegto ka soo baxday Xafiiskiisa ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda Soomaaliya waxaana xilkaas sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilkii Wasiirka Gaashaandhigga umagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan xilkas oo uu horay u baneeyay 12 Bishii Octooper Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.
la socda Taariikhda Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.