Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goordhow waxa uu Magacaabay Wasiirka Cusub ee Gaashaandhigga xilkaas oo mudooyinkaan banaanaa.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxaa xilkaas loogu Magacaabay Mudane Mohamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.
Xilkaan ayaa waxaa horay u baneeyay sheegayna in uu si iskiis ah isaga casilay 12-kii bishii October Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo ahaa Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya.