Sheekh Maxamed Shaakir Cali xasan Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca ayaa ka hadlay wadahadalo socda oo lagu dhex dhexaadinayo  iyaga iyo Maamulka Galmudug.
Waxa uu sheegay in waqtigan uusan jirin wax khilaaf ah oo kala dhaxeeya Madaxweyne Xaaf balse ay jiraan dad sii kala fogeynaya.
“Xaqiiqdii aniga Xaaf majiraan dagaal naga dhaxeeya balse waxaa jira dd nasii kala fogeynaya kuwaas oo markasta sheegaya in uu khilaaf naga dhaxeeyo waa kuwaas kuwa diidan inaan midowno,Bulshadana waxaa laga rabaa in ay intaas garato ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakirâ€
Sikastaba waxaa la filayaa in dhawaan dalka Jabuuti ay tagaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee Sheekh Shaakir si halkaasi wadahadalo uga furmaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Shaakir.