Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo dalka Turkiga, isagoo booqasho 3 maalmod ah ku joogi doona dalkaasi.
Waxa u qorsheysan inuu kulan la yeesho dhigiisa dalka Turkiga, Binali Yildirim iyo Madax kale, waxayna ka wada hadli doonaan  sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Dal iyo in la kordhiyo Taaheeradda ay Turkiga ka siiyaan DFS dhinacyada Siyaasadda, Ammaanka, Dib-u-dhiska Ciiddamadda, Samafalka iyo Horumarka.
Ra’isul-wasaare Kheyre waxaa kaloo lagu wadaa inuu soo booqdo dadka Soomaalida ee lagu daawaynayo Isbitaalladda dalkaasi.
Ilaa 35 Bukaan oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qarixii Zoope ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalo ku yaalla Turkiga.
Dhinaca kale, Xiriirka Dowladaha Turkiga iyo Somalia ayaa sii xoogeystay tan iyo wixii ka dambeeyey, markii uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan booqashada ku yimid Somalia sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay Macluul Daran ka jirtay qeybo ka mid ah dalkeenna.
Bishii la soo dhaafay. Dowladda Turkiga waxay magaalladad Muqdisho ka hirgelisay  Saldhig Milliteri oo lagu tababari doono Ciiddanka DFS.
Saldhigaasi oo ah kan ugu weyn ee ay Turkiga ku leeyihiin Caalamka, ayaa waxaa dhismihiisa lagu kharaj gareeyey lacag dhan 50-million oo Dollar.