Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in Muqdisho ay ka jirto xaalad ah in mararka qaarkood in dad guryahooda lagu heesto xoog iyada oo awood loo sheeganayo.
Waxa uu soo hadal qaaday in uu aaminsan yahay in Cadaaladu ay qeyb ka qaadato amniga, balse ay jiraan dad adeegsanaya awood qabiil ay heestaan hantida dadka Soomaaliyeed qaarkood.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xili Muqdisho ay ka jirto isku qabsiga dhulalka oo markasta ay caqabad ka dhalato.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir