Ku simaha Taliyaha qaybta Gobolka Nugaal ahna Taliye ku-xigeenka qaybta Gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Amniga Gobalka Nugaal iyo howlgalada socda.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay taliyaha saldhiga Garoonka Diyaaradaha Garowe G/sare Axmed Cabdi Xirsi Jeego iyo Taliyaasha saldhigyada magaalada.
Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray xoojinta amniga Caasimada Puntland iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Booliska ay ka sameeyeen daafaha Magaalada, laguna xoojinaayay ka hortagista falalka Gurucan ,ladaalanka ka ganacsiga maandooriyaha iyo waxa loogu yeero Argagixisada si looga hortago.
Ku simaha Taliyaha qaybta gobolka Nugaal ahna Taliye ku xigeenka qaybta gobolka G/le Maxamuud Muuse Bile ayaa sheegay in muhiim ay tahay xoojinta amniga dalka, isla markaana looga hortago falalka amni darro ee xiliyada qaarkood dhaca.
Waxa uu sidoo kale Taliyaha si wada jir ah warbixino uga dhageystay Taliyaasha Saldhigyada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan kuwaas oo warbixin dhameestiran ka dhiibay amniga Gobalka Nugaal.
Habeeno kahor ayey aheyd markii Israsaaseyn khasaaro geysatay ay ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, taasi oo u dhexeeysa Ciidanka Booliska iyo rag hubeysan oo ka ganacsanayey waxyaabaha maanka dooriya.