Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka.
Guddigaan ayaa ka kooban 11 Xubnood oo 8 ka mid ah ay ka mid yihiin Golaha Wasiirada Soomaaliya,waxaana sidoo kale ka mid ah Duqa Muqdisho,Hanti Dhowraha Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
Guddigaan ayaa waxa ay ka Shaqeyn doonaan soo celinta Hantida Qaranka iyo meelaha loo baahan yahay in laga bilaabo.
Guddigaan ayaa sidoo kale la faray inay joojiyaan ibinta iyo bixinta dhulalka Dowladda,sidoo kale soo tirakoobida Hantida Wasaaradaha,Hay’adaha hoos yimaada iyo Xafiisyada Madaxa-banaan ee Dastuuriga ah ay leeyihiin.
Hoos Ka Akhriso wareegtada Magacaabista Guddiga.