Maalmo kadib markii Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal lagu doortay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa waxaa doorashadaas dhaliilay Soomaaliland.
Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali Koore oo Warbaahinta kula hadlayay Magalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha Cusub ee Punland uu wato fikirka Madaxweynihii ka horeeyay ee Cabduweli Maxamed Cali Gaas.
Waxa uu sheegay in Soomaaliland marnaba aqbaleyn in dhulkeeda lagu soo xadgudbo sida uu sheegay Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali,waxaana hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Reer Puntland ay xilligaan u baahan yihiin inay ku noolaadaan Nabad iyo Nolol.
Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in Soomaaliland ay ku xad gudubtay dhulka Puntland,waxana uu sheegay in Soomaaliland wadahadal ay diyaar u tahay laakin marnaba ka tanaasuleyn Xuduudeeda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Biyaha Soomaaliland Saleemaan Cali Koore.