Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay qiray in xadgudubyo ka dhan ah dadka shacabka ay ka dhaceen gobalka Tigree-ga, intii uu dagaalka ka socday.
Raiisal wasaaraha Itoobiya ayaa arrintaan ka hor sheegay baarlamaanka dalkaas maanta oo talaada ah.
Abiy Axmed ayaa yiri “ waxaa mas’uuliyadda xadgudyadii dhacay qaadan doona askartii geysatay kufsiga ama boobtay hanti shacabâ€
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareynka Anthony Blinken ayaa hore ugu eedeeyay dowladda Itoobioya inay xadgudubyo ka geysatay gobalka tigree-ga inkasta oo Itoobiya gaashaanka u daruurtay eedeyntaas.