Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa hotel ku dhex yaalla Garoonka Aadan Cadde.
Kulanka Madasha ayaa waxaa looga arrinsanayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah maamul Goboleedyada ay maalintii labaad ku yeesheen Teendhada Afisyooni.
Kulanka oo ah mid deg deg ah ayaa waxaa sidii kale looga hadlayaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana la filayaa in markii uu dhammaado kulanka ay Madaxda la hadlaan warbaahinta.
Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaan ka qeyb gelin maalintii labaad Shirka Madaxda dowladda iyo maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ku yeesheen Afisyooni.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Mareykanka Madaxda dowlad Goboleedyada oo ay qeyb ka yihiin Deni iyo Axmed Madoobe laga dalbaday inay ka qeyb galaanka Shirka doorashada, iyaga oo aan wax shuruud ah ku xirin ka qeyb galkiisa.