Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xoghaye Cusub Maanta u magacaabay Xafiiskiisa, isagoo xilka ka qaadis ku sameeyay Xoghayihii hore ee Joogtada ahaa.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa xilka Xoghayaha Xafiiskiisa u magacaabay inuu nqodo Maxamed Ibraahim Nuur, isla markaana waxaa uu bedelayaa Cabdirisaaq Caato.
Xoghayaha Joogtada Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Ibraahim ayaa La-aliye u ahaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliyeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.