R/Wasaarihii hore ee Somalia oo Soo jeediyay in wada-hadal lala furo Al-shabaab

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu ku baaqay in wada hadal toos ah lala galo dagaalamayaasha Al-shaabaab,isagoona sheegay in dadkaas ay yihiin Soomaali.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa la tilmaamay in Al-shabaab ka arki waaye,isla markaana ay fiicneed in laga guuleysto,hayeeshee taasi ay dhici weyday.

Isaga sii hadlaayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aan la dhaliilsan kari nabada wadahalka ku timaada,isagoo xusay in ay aad u fiican tahay in Al-shabaab wada-hadal lalagalo.

Ugu dambeyntii Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa uu sheegay in hadii xal Milateri adkaado loo baahan yahay in la helo xal siyaasadeed si xal loogu helo amniga dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media