Amar la dul-dhigay Wadayaasha Mooto Bajaajta ee Dhuusamareeb

Ciidanka amniga dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ku xiray dhammaan Wadayaasha Mooto Bajaajta ee halkaas ka shaqeysa.

Amarka lagu xiray Wadayaasha Mooto Bajaaja ee Duusamareeb ayaa waxaa la sheegay inuu ka soo baxay Taliska Maamulka Galmudug ee fadhigooda uu yahay Magaaladaas.

Sidoo kale Taliska Maamulka Galmudug ayaa amar dul-dhigay dhalinyarada kaxeysa Mooto Bajaajta ee halkaas ka howlgasha,waxaana lagu amaray inay qaataan taarikada  Galmudug, islamarkaana ay bixiyaan lacag dhan 130 Dollar si ay isu diiwaangeliyan.

Dhinaca kaleWadayaasha ayaa maamulka Galmudug ka Codsay in cadadka lacagtas laga dhimo,taasi oo ay sheegeen in aysan awoodin oo ay aad u badantahay lacagta lagu soo rogay.

Ugu dambeyntii waxaa xabsiga laga sii daayay Wadayaasha Mooto Bajaajta ee Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana waxaa la siiyay muddo laba todobaad ah si ay u qaataan Taarikada Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media