Hadal Qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ku-moon ayaa waxa u usi kulul ugu cambaareeyey weerarkii ay Alshabaab shalay ku qaadeen Ciiddannak Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, kuna sugnaa Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Afhayeenka Ban Kii-moon oo akhriyey Qoraalkaasi ayaa xaqiijiyey inuusan weerarkaasi yareyn doonin sidii ay QM iyo AMISOM uga wada ahqeyn lahaayeen Taageeradda la siinayo Dadka iyo Dowladda Somalia.
Qoraalka ayaa lagu xusay inkastoo aan weli la xaqiijinin faahfaahinta shilkaasi inuu Ban Ki-moon ku ammaanayo dadaalka Ciiddanka AMISOM ee ay ugu jiraan Nabadda Somalia.
Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Ambassador Fancisco Madeita ayaa ku ammaanay AMISOM sida degdeg ah ay uga jawaabeen weerarkii ay Alshabaab shalay ku qaadeen Deegaanka ceel-cadde.
Waxa uu sheegay inay AMISOM sii wadi doonaan Hawlgalka ay kaga soo horjeedaan Alshabaab, ilaa Somalia laga saareeyo waxa uu ugu yeeray Kooxo Argagixiso.
Weerarkii ay Alshabaab shalay ku qaadeen Saldhigga ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalak Gedo, ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro xooggan.
Alshabaab waxay sheegeen inay weerarkaasi ku dileen ilaa 60 Askari oo Kenyaan ah.
©Radio Dalsan